Xarunta Ardaaga – 30 Janaayo 2025
Maanta waxaa xarunta 𝗔𝗿𝗱𝗮𝗮𝗴𝗮 lagu qabtay kulan lagu falanqeeyay xaaladda guud ee waxbarashada Jubaland. Kulankan oo ay soo qabanqaabisay 𝗔𝗿𝗱𝗮𝗮𝗴𝗮, wuxuu isu keenay xubno muhiim ah oo ka tirsan bahda waxbarashada, oo ay ka mid yihiin 𝗯𝗮𝗿𝗲𝘆𝗮𝗮𝗹 𝘀𝗮𝗿𝗲, 𝗮𝗾𝗼𝗼𝗻𝘆𝗮𝗵𝗮𝗻𝗻𝗼, 𝗺𝗮𝗱𝗮𝘅𝗱𝗮 𝗷𝗮𝗮𝗺𝗮𝗰𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗺𝗮𝗮𝗺𝘂𝗹𝗮𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗱𝘂𝗴𝘀𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮.
𝗞𝘂𝗹𝗮𝗻𝗸𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝘂𝘂 𝗱𝗶𝗶𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗮𝗿𝗿𝗶𝗺𝗼 𝗮𝘆 𝗸𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝘆𝗶𝗵𝗶𝗶𝗻:
• Qiimaynta xaaladda waxbarashada tan iyo dowlad-dhiskii 2012.
• Caqabadaha haysta waxbarashada sare, dugsiyada iyo dugsiyada farsamada gacanta (TVETs).
• Fursadaha horumarineed ee la heli karo.
• Xalka iyo talooyin lagu horumarin karo waxbarashada Jubaland.
𝗫𝘂𝘀𝘂𝘂𝘀𝗶𝗻:
Kulankan laguma casuumin Wasaaradda Waxbarashada Hidaha & Tacliinta Sare ee Jubaland, maadaama 𝗔𝗿𝗱𝗮𝗮𝗴𝗮 ay qorsheyneyso kulan gaar ah oo Wasaaradda Waxbarashada lagula wadaagi doono xogta kulankan ka soo baxday.
Shirkaasi waxaa diiradda lagu saari doonaa oo su’aalo toos ah lagu weydiin doonaa Wasaaradda waxbarashada, islamarkaana loo soo bandhigi doonaa xogta iyo talooyinka laga uruuriyey kulankan.
Intii uu kulanka socday, waxaa la isla falanqeeyay arrimo muhiim ah sida:
𝗪𝗮𝘅𝗯𝗮𝗿𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗮𝗿𝗲 (𝗝𝗮𝗮𝗺𝗮𝗰𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮): Sida ardayda loogu diyaariyo heerka jaamacadda, Tayada waxbarashada sare iyo sida ay ula jaanqaadi karto heerarka caalamiga ah, Iyo kaalinta dowladda ee horumarinta waxbarashada sare.
𝗗𝘂𝗴𝘀𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗛𝗼𝗼𝘀𝗲, 𝗗𝗵𝗲𝘅𝗲 𝗶𝘆𝗼 𝗦𝗮𝗿𝗲: Hubinta in mashaariicaha waxbarasho si sax ah loo hirgeliyay, caqabadaha dhaqaale ee ardayda saameeya, Tayada macallimiinta iyo sida loo hagaajin karaa.
𝗗𝘂𝗴𝘀𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗙𝗮𝗿𝘀𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗰𝗮𝗻𝘁𝗮 (𝗧𝗩𝗘𝗧𝘀): Hirgalinta dugsiyada TVETs, Sida loo horumarin karo xirfadaha farsamada ee lagu barto dugsiyada TVETs, Xirfadaha aadka loogu baahan yahay ee suuqa shaqada.
𝗚𝘂𝗻𝗮𝗮𝗻𝗮𝗱:
Kulankan wuxuu noqday mid miro dhal ah oo la isku weydaarsaday fikrado muhiim ah, iyadoo dhammaan ka qeybgalayaashu muujiyeen dadaalkooda iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta waxbarashada.
𝗔𝗿𝗱𝗮𝗮𝗴𝗮 waxa uu qorsheynayaa kulan gaar ah oo ay la yeelan doonto Wasaaradda Waxbarashada si xogtan loola wadaago.